Saamaynta dagaalka Iiraan ee geeska Afrika oo Itoobiyana ay ku jirto
Xaaladda sii xumaanaysa ee Bariga Dhexe ayaa ku ”sababaysa dhibaato aad u daran” oo soo foodsaarta dalalka Afrika oo ay Itoobiya ku jirto, sida ay tilmaamayso warbixin cusub.
Dalka dhaca Bariga Afrika ee Itoobiya, kumanaan kilometer ayey u jiraan Iiraan, saamaynta dagaalkuna ma aysan dhaafin.
Gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ayaa aad u kacsanaa maalmihii dambe oo dadka qaar ee dalkaasi ay u dabaal degeyeen munaasabada Easter-ka.
Sabab la xiriirta shidaal yari, suuq gaynta, dhoofinta iyo agabyada kale ee baddeecooyinka ayaa noqonaya kuwa ay soo wajahaan caqabado.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in la ”kaydsado” shidaal, saraakiisha ayaa ka hadlay hababka ay tahay in qof kasta uu raaco si uu ugu isticmaalo shidaalka harsan si wanaagsan.

