Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo shir ku yeeshay Gaalkacyo

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, G/sare Maxamuud Muuse Bille Fardafuul ayaa shir la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug, Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdille, iyo Taliye ku-xigeenka ciidanka isku dhafka magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, Dhamme Cabdi Fitaax Cali Dabaadi.

Shirka waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Taliyaha Howlgalinta, Carab Dhuubane, iyo Taliyihii hore ee CID-da Gobolka Mudug, kuwaas oo qeyb ka qaatay falanqeynta iyo talooyinka la xiriira sugidda amniga.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee Gobolka Mudug, xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, iyo dardargelinta howlgalada lagu sugayo amniga guud ee magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada ku xeeran.

Mas’uuliyiinta kulanka yeeshay ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda ciidamada, is-weydaarsiga xogaha amniga, iyo hirgelinta qorsheyaal mideysan oo lagu xaqiijinayo nabad waarta.

Wararka La xiriira

Maqaallo

Dhab-ka-Hadal
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.