Isimmada Soomaaliyeed ayaa badi maanta ka safray Muqdisho, inkasta oo mucaaridku dalbadeen in ay xalliyaan xiisadda-siyaasadeed ee dalka siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka dalbaday isimada soomaaliyeed in ay dawlada fadaralka dhex dhexaadiyaan in kastoo isimadu ku kala aragti duwanaayeen oo qaybi ay la safatay dawlada uu madaxwayne xasan shiikh madaxwaynaha ka yahay ,
isimada qaarna ay mucaaradka taageero u muujinayeen oo hadaladooda loo arkayey kuwo xaga mucaaradka u janjeera ,
si kastaba ha ahaatee isimadu waxa ay muqdisho u tageen caleema saarka ugaaska murursade ee uma tagin arin siyaada soomaalia khusaysa .

