‘Maskaxda Trump’: Ninka ka dambeeya siyaasadaha muranka badan ee madaxweynaha
Sanado ayuu Stephen Miller ahaa muxaafid mayal adag isagoo ka tirsanaa kooxda siyaasadda Donald Trump. Hadda waxa uu noqday qof ay indhaha hayaan oo la beegsanayo.
Hab-dhaqankiisa adag ee dagaalka u eg marka uu hoggaaminayo dejinta siyaasadaha Aqalka Cad ayaa socodsiiyay ajandaha madaxweynaha ee la xiriira socdaalka, wuxuuna yeeshay saamayn sii kordhaysa oo ku aaddan awood balaarsiga Mareykanka.
Bilowgii xawliga sare lahaa 2026-dii ee maamulka Trump ee gudaha iyo dibaddaba, ayaa sii adkeeyay booskiisa isagoo ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu awoodda badan maamulkaas. Balse dad badan oo ka tirsan garabka bidixi waxay u arkaan shar-wade.
Washington DC, sawirka Miller ayaa lagu dhajiyay goobo dadweyne, waxaana ku qoran halkudhig ah “Fashiisnimadu qurux ma leh”. Dimuqraadiyiintu waxay dalbadeen is-casilaaddiisa. Xitaa xubno ka tirsan xisbigiisa ayaa si fagaare ah u su’aalay wax ku oolnimada go’aankiisa siyaasadeed.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Miller waxa uu galay xaalad uusan horay u aqoon. Wuxuu ahaa qof ka shaqeeya daaha gadaashiisa balse si lama filaan ah uyuu bannaanka u yimid, waxaana si dhow loo eegayaa hadalladiisa iyo ficilladiisa. Waxa uu ku qasbanaaday in uu dib u dago ugu yaraan si ku-meel-gaar
Mar kasta adkeyso, marna dib ha u guran’
Waxyar kadib markii laba sarkaal oo laanta socdaalka ka tirsan ay bishii hore Minneapolis ku dileen Alex Pretti, Miller waxa uu dhowr fariimood ku qoray barta X, isagoo ku eedeeyay Alex in uu yahay “argagixiso gudaha ah” iyo “dilaa”.
Ololihii doorashada Trump ee 2016-kii, wuxuu ku eedeeyay Dimuqraadiyiinta “in ay hurinayaan kacdoon”. Hadalladiisu waxay ahaayeen kuwo xaqiiqda ka fog.
Caddeymo fiidyow ah ayaa markii dambe muujiyay in Alex Pretti, inkastoo uu watay bistoolad sharciyeysan, hadana ma uusan u hanjabin saraakiisha Kastamka iyo Ilaalada Xuduudaha ka hor inta aan la dhigin dhulka, laguna toogan 10 xabbadood.

