Ma dhabaa in marada kacbada la geeyay jasiiradda dambiilaha galmada ee Epstein?

Ma dhabaa in marada kacbada la geeyay jasiiradda dambiilaha galmada ee Epstein?

Muslimiinta caalamka ayaa muujinaya caro ku aaddan dukumiintiyo muujinaya in qaybo ka mid ah maryaha daboola Kacbada – goobta ugu barakaysan Islaamka – loo diray dembiilaha galmada ee la xukumay, Jeffrey Epstein.

Faylasha Epstein ee ay sii daysay Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka 30-kii Janaayo, waxay ka kooban yihiin iimayllo 2017 ah oo tilmaamaya in saddex qaybood oo ka mid ah Kiswah (marada daboolka Kacbada) laga diray Sacuudi Carabiya loona diray guriga Epstein ee Kariibiyaanka.

Mid ka mid ah dadka isticmaala barta X ayaa qoray: “Bal qiyaas qayb ka mid ah goobta ugu barakaysan adduunka oo loo dirayo meesha ugu wasakhda badan.”

Sawir la qaaday 2014, Epstein waxaa lagu arkayaa isagoo eegaya maro dhulka la dhigay isaga iyo nin kale, taasoo u eg qaybta ugu quruxda badan ee Kiswah ee lagu daboolo albaabka Kacbada.

qof kale ayaa qoray: “Qalbiga ayaa ii jabay markii aan arkay Kiswah oo dhulka loo dhigay sida roog.”

Si kastaba ha ahaatee, sawirkan uma muuqdo mid si toos ah ula xiriira dukumiintiyada, kuwaasoo muujinaya in qaybo ka mid ah Kiswah loo diray Epstein sanadkii 2017.

Sidoo kale ma cadda in marada ku jirta sawirka ay tahay qayb ka mid ah Kiswah-dii asalka ahayd.

Marada madow ee xariirta ah ee lagu daboolo Kacbada waxaa lagu xardhaa aayadaha Qur’aanka iyadoo la adeegsanayo dun dahab iyo qalin ah.

Afarta derbi ee Kacbada, oo ku taalla bartamaha Masjidka Xaramka ee Maka, waxaa daboola Kiswah.

Sannad kasta boqolaal xujey ah ayaa taabta, waxaana la beddelaa munaasabad lagu qabto sannadka cusub ee Islaamka.

Sida ku cad dukumiintiyada Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, waxaa 2017 la is dhaafsaday iimayllo u dhexeeyay shaqaalaha Epstein iyo qof lagu magacaabo “Aziz al-Ahmadi,” kuwaasoo lagu qorsheeyay in Epstein la siiyo saddex qaybood oo Kiswah ah: maro cagaaran oo lagu sheegay inay tahay mid gudaha Kacbada lagu isticmaalo, maro madow oo daboolka dibadda ah, iyo maro la xardhay oo isla maaddadaas ah balse aan la isticmaalin.

Iimayl taariikhdiisu tahay 1-da Febraayo 2017 ayaa muujinaya in kaaliye u shaqaynayay qof la yiraahdo “Ahmadi” uu u sheegay shaqaalaha Epstein inuu “soo diri doono qaybo ka mid ah Kacbada oo loogu talagalay masaajidka.”

Ma cadda inuu ula jeeday meel ku taalla hantida Epstein in loo yaqaan “masaajid” iyo in kale.

Faylasha Epstein ee ilaa hadda la eegay ma xusin masaajid ku yaalla jasiiradda, balse dukumiinti ku jira bogga Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa tixraacaya dhisme yar oo loo yaqaan “temple.”

Ma cadda waxa loola jeeday iimayllada la is dhaafsaday. “Temple”-kan ayaa ku yaalla jasiiradda Little St. James, waana dhisme yar oo qubbad dahab ah leh oo ku yaalla koonfurta jasiiradda.

Waa in la xuso in “masaajidka” lagu sheegay dukumiintiga uusan ahayn Masjidka Xaramka ee Maka halkaas oo Kacbadu ku taallo.

Dukumiintigu wuxuu muujinayaa in shixnadan ay gaartay guriga Epstein ee Palm Beach 4-tii Maarso 2017, kadibna loo diray St. Thomas ee Jasiiradaha Virgin ee Mareykanka—meel u dhow jasiiraddiisa gaarka ah ee Little St. James, halkaas oo dhibbanayaal badan ku eedeeyeen in loo tahriibiyay laguna xadgudbay galmo ahaan.

Alaabta waxaa lagu qeexay foomka kastamka Mareykanka ee 14-kii Maarso 2017 sida “sawirro, farshaxan iyo pastels.” Iimayl taariikhdiisu tahay 21-kii Maarso ayaa xaqiijiyay in qayb ka mid ah Kiswah la gaarsiiyay “guriga Epstein.”

Iimayl kale oo uu diray Ahmadi ayaa u sheegay Epstein in marada madow ay taabteen “ugu yaraan 10 milyan oo Muslimiin Sunni, Shiico iyo firqooyin kale ah.”

“Waxay toddobo jeer ku wareegaan Kacbada. Kadib qof walba wuxuu isku dayaa inuu taabto, wuxuuna ku shubaa maradaas ducadiisa, rajadiisa, ilmadiisa iyo hamigiisa ,” ayuu yiri iimaylku.

Ma cadda in Epstein uu helay qaybaha ‘Kiswah’ hadiyad ahaan iyo in kale, ama xitaa inay ahaayeen kuwo dhab ah.

Wararka La xiriira

Maqaallo

Dhab-ka-Hadal
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.