Golaha ammaanka Iran:Iran waxay go’aansatay inay maamusho marin biyoodka ilaa dhamaadka dagaalka,
Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iran, oo ah hay’adda ugu sarreysa amniga dalka, ayaa sheegay telefishinka dowladda in Tehran ay “go’aansatay inay hirgeliso kormeer iyo xakameyn ku saabsan marista maraakiibta ee marinka Hormuz ilaa dhammaadka kama dambaysta ah ee dagaalka iyo hirgelinta nabad waarta oo gobolka ah.”
Bayaan-ka ayaa lagu sheegay in tallaabadan lagu fulin doono iyadoo la ururinayo xog dhammaystiran oo ku saabsan maraakiibta maraya, la siinayo shahaadooyin
oggolaansho safar , iyo in laga qaado lacagaha adeegyada la xiriira marista.
Tani waxay muujinaysaa in Iran ay dooneyso inay si rasmi ah u nidaamiso oo u maamusho socodka maraakiibta maraya marinka Hormuz, oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga tamarta caalamiga ah.

