Dhakhtar suuxiye ah (anesthesiologist) oo Faransiis ah, oo ay dacwad-oogayaashu u yaqaannaan “Digtoorkii Geerida”, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in.
Dhakhtarka 53 jirka ah, Frédéric Pechier, waxaa lagu eedeeyay inuu si ula kac ah u sumeeyay 30 bukaan, isla markaana dilay 12 ka mid ah.
Maxkamad ku taalla magaalada Besançon ee bariga dalka Faransiiska ayaa Frédéric Pechier ku heshay dambiga ah inuu ku daray walxo keeni kara wadne-istaag ama dhiig-bax bukaanada lagu siinayay daawooyin xididka lagu duro.
Kan ugu da’da yaraa ee dhibbanayaashiisa ahaa wuxuu ahaa cunug afar jir ah. Sannadkii 2016, cunuggaasi wuxuu ka badbaaday laba wadne-istaag isagoo qalliin lagu sameynayay. qofka ugu da’da weyn ee dhibbanayaasha waa 89 jir.
Dacwad-oogayaashu waxay toddobaadkii hore ku sifeeyeen sidan: “Waxaad tahay dhakhtar dhimasho, sumeeye iyo dilaa. Waxaadna ceebaysay ku dhammaan dhakhaatiirta.” Waxay intaas ku dareen: “Waxaad isbitaalka u rogtay xabaal.”
Kiimikooyinka uu Pechier ku darayay xididdada dhiigga waxay bukaanada ku keeni karaan wadne-istaag ama istaroog, taasoo u baahan faragelin degdeg ah inta lagu jiro qalliinka.
Xaaladaha badankood, Pechier laftiisa ayaa sameyn jiray faragelinta degdegga ah; markaasna wuxuu u muuqan jiray badbaadiyaha bukaanka.
Laakiin 12 kiis, wuu ku guuldareystay inuu farageliyo, ama waa goor dambe farageliyay, bukaanadiina way dhinteen. Dacwad-oogayaashu waxay ku doodeen in Pechier uu sidaas u sameeyay si uu u sumcad-xumeeyo dhakhaatiirta kale ee suuxdinta, maadaama uu xanaf u qabay.

